Ku saabsan DALAG-BILA

Asaaska iyo Aasaasayaalka
Iskaashatada DALAGBILA waxaa loo aasaasay si loo mideeyo beeraleyda deegaanka Baladu Amiin iyo hareeraheeda, loogana shaqeeyo horumarinta wax- soo-saarka dalagyada muhiimka u ah soo saarida cunno-ku-filnaata gobolka.
- Waxaa aasaasay 12 xubnood oo beeraley ah
Waxayna kala yihiin:
1. Awees Xaashi Maxamuud.
2. Daahir Xasan Xareed
3. Ibraahin Sh. Xuseen Muuse
4. Yuusuf Aadan Cabdille
5. Aadan Guuleed Shabel
6. Sahal C/salaan C/nuur
7. Dr Bashiir cabdi faarax
8. Aadan Xasan Xareed
9. Maxamuud C/qaadir C/nuur
10.Aadan sheekh xuseen cilmi
11. Aadan Cawil Warsan
12.C/risaaq maxamuud xirsi
DALAGBILA
Ujeedada Guud ee Iskaashatada


Himilooyinka Mustaqbalka
• Ballaarinta dhulka la beero iyo kordhinta wax-soo-saarka
• Adeegsiga farsamooyin casri ah (solar pump, bacriminta dabiiciga ah)
• Iskaashi lala yeesho hay’adaha horumarinta, shirkadaha iyo suuqa gudaha
• Kobcinta dakhliga beeraleyda iyo abuurnta fursado shaqo oo dheeraad ah
Waxaan si sharaf iyo kalgacal leh ugu hambalyeynayaa dhammaan hawl-wadeennada, xubnaha, iyo bahda Dalagbila kaalintooda muuqata ee horumarka, isku-duubnida, iyo daacadnimada ku saleysan. Dalagbila waxaa la aasaasay si ay u noqoto madal isku keenaysa bulsho hal-abuur leh, karti leh, una taagan horumar waara.

“Iskaashigu waa furaha horumarka, Dalagbila-na waa halkii beeraleydu isku halleyn lahaayeen si ay u gaaraan barwaaqo iyo midnimo dhab ah.”

“Marka dalagga la beero, waxaa loo baahan yahay suuq furan oo daacad ah – Dalagbila waxay u taagan tahay in dalagyada beeraleydu helaan qiimahooda saxda ah iyo suuq ay ku kobcaan.”

“Maamulka hufan ee dhaqaaluhu waa tiirka lagu dhiso horumar waara – Dalagbila waxay ku dhaqantaa isla xisaabtan iyo daahfurnaan.”
