Ku saabsan DALAG-BILA

Asaaska iyo Aasaasayaalka

Iskaashatada DALAGBILA waxaa loo aasaasay si loo mideeyo beeraleyda deegaanka Baladu Amiin iyo hareeraheeda, loogana shaqeeyo horumarinta wax- soo-saarka dalagyada muhiimka u ah soo saarida cunno-ku-filnaata gobolka.

  • Waxaa aasaasay 12 xubnood oo beeraley ah
    Waxayna kala yihiin:
    1. Awees Xaashi Maxamuud.
    2. Daahir Xasan Xareed
    3. Ibraahin Sh. Xuseen Muuse
    4. Yuusuf Aadan Cabdille
    5. Aadan Guuleed Shabel
    6. Sahal C/salaan C/nuur
    7. Dr Bashiir cabdi faarax
    8. Aadan Xasan Xareed
    9. Maxamuud C/qaadir C/nuur
    10.Aadan sheekh xuseen cilmi
    11. Aadan Cawil Warsan
    12.C/risaaq maxamuud xirsi

DALAGBILA

Ujeedada Guud ee Iskaashatada

Ujeedada Guud ee Iskaashatada

• Kor u qaadida wax-soo-saarka dalagyada muhiimka ah ee deegaanka
• Horumarinta dhaqaalaha beeraleyda iyada oo loo marayo iskaashi
• Helidda suuq joogto ah iyo kor u qaadista tayada wax-soo-saarka
• Ka haqabtirka deegaanka cuntooyinka asaasiga ah

Himilooyinka Mustaqbalka

• Ballaarinta dhulka la beero iyo kordhinta wax-soo-saarka
• Adeegsiga farsamooyin casri ah (solar pump, bacriminta dabiiciga ah)
• Iskaashi lala yeesho hay’adaha horumarinta, shirkadaha iyo suuqa gudaha
• Kobcinta dakhliga beeraleyda iyo abuurnta fursado shaqo oo dheeraad ah

Baahiyaha Mudnaanta Leh

• Agab beereed (abuur tayo leh, qalabka waraabka, daawooyin wax tar ah, kushiimooyin wax ku ool ah iyo qalabka beeraha)
• Tababaro farsamo
• Suuqgeyn iyo kaydin wax-soo-saar
• Gacan ka helidda dhinaca maalgelinta iyo horumarinta dalagyada asaasiga ah