ADEEGYADEENA

Home

Our Services

Dalagyada La Beero Beero

Iskaashatadu waxay xooga saareeysaa beeritaanka dalagyada asaasiga ee lama
huraanka u ah nolosha dadka.

DALAGYADA CUNTADA

MASAGO

Masagada waa dalag caan ah oo u adkaysata abaaraha, kuna fiican dhulalka kulaylaha. Waxaa laga beeraa meelo badan oo Soomaaliya ka mid ah, sida: Bay, Bakool, Gedo, Hiiraan, Shabeellaha Dhexe iyo Koonfur.

Galeey Maize

Galley (Af-Ingiriis: Maize ama Corn) waa dalag geed ah oo si weyn looga beero Soomaaliya, gaar ahaan deegaannada:
Shabeellaha Hoose
Jubbada Hoose
Gedo
Hiiraan
Bay iyo Bakool
Waxa uu ka mid yahay cuntooyinka ugu badan ee ay dadka iyo xooluhu isticmaalaan.

Bariis

Bariisku waa dalag cunto oo muhiim ah, lagana helo karbohaydraytyo (tamarta), wuxuuna quudiyaa in ka badan kala bar dadka adduunka. Soomaaliya waxaa laga isticmaalaa aad u badan, in kastoo wax-soo-saarka gudaha uu yar yahay. iskaashatda dalag bila waxay baardheere ku leedahay beero bariis

Qamadi (wheat)

Qamadi waa dalag geed ah oo laga goosto miraha la shiido si loo sameeyo bur — kaas oo laga sameeyo cuntooyin ay ka mid yihiin:
Muufo
Rooti
Buskud
Macmacaanka kala duwan
Baasto (marka la warshadeeyo)

DIGIRAHA

Digiraha waa dalag laga helo miraha digirta oo cunto ahaan loo isticmaalo. Waxaa laga beeraa meelo badan oo Soomaaliya ah, sida: Bay iyo Bakool Gedo Jubbada Hoose Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Dalagyada saliida laga helo

Sisinta

Sisintu waa mir yar-yar oo laga goosto dhir gaagaaban, waxayna caan ku tahay in laga sameeyo: Saliid (sesame oil) Cunto (rooti lagu rusheeyo, macmacaan) Dawo dhaqameedyo Dhoof lacageed sare leh Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu wax-soo-saarka badan ee sisinta, iyadoo laga beero: Gedo Jubbada Hoose Shabeellaha Hoose Bay iyo Bakool Hiiraan

Gabaldayaha (sunflower)

Gabaldayaha waa geed ubax weyn leh oo wejigiisu qorraxda u jeedo, lagana beero mirihiisa si looga helo: Saliid qudaadiin ah (Sunflower oil) Cunto xoolaha Miraha la cuno (sunflower seeds) Waxaa loo beeri karaa dalagyada saliidda laga helo, sida sisinta, soy, iyo canola oo kale.