Gudoomiyaha iskaashatada oo booqasho howleed ku tegey beerta iskaashatada


Maanta waxaa booqasho hawleed ku tegay beerta Iskaashatada Dalagbila guddoomiyaha iskaashatada iyo xubno kale oo ka tirsan hoggaanka iskaashatada. Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli ay ka socotay hawl ballaaran geed-qaadis, taas oo qayb ka ah qorshaha u diyaar garoowga xili beereedka deyrta oo fooda nagu soo haya.
Guddoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa si dhow u indha-indheeyey sida shaqadu u socoto, iyaga oo si gaar ah u la hadlay shaqaalaha ku hawlan jarista iyo jirid bixinta geedaha. Waxa ay ku bogaadiyeen shaqaalaha dadaalkooda iyo sida ay uga go’an tahay in ay si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Intii uu socday kormeerka, waxa la xusay muhiimadda ay leedahay ilaalinta tayada shaqada, in la raaco tilmaamaha badbaadada, isla markaana la dardar geliyo jadwalka howsha.
Ugu dambeyn, masuuliyiintu waxa ay ballanqaadeen in ay si joogto ah u kormeeri doonaan dhammaan hawlaha ka socda beerta, si loo xaqiijiyo horumar waara iyo wax-soo-saar tayo leh oo dan u ah dhammaan xubnaha iskaashatada
Asc mansha Allah waa guul wacaan
Aad iyo aad buu umahadsayahay in yuusuf warbixintiisa waana guul habsami usocodka shaqda kawarbinteeda sc
Waa guul