Xaflad Lagu Soo Bandhigay Bariiska Baardheere – oo Noqday Tijaabo Guulaysatay
Baardheere, 16 Agoosto 2025 – Magaalada Baardheere ayaa shalay martigelisay munaasabad taariikhi ah oo lagu soo bandhigay bariiska baardheere oo noqdey tijaabo guulaysatay, Xafladda oo ka dhacday Ristoranti Shantaraal ayaa ahayd mid taariikhi ah oo ay xusuusan doonaan bulshada deegaanka, iyadoo markii ugu horreysay lagu qadeeyey bariis si buuxda uga soo go’ay beeraha Baardheere.
Munaasabadda ayaa waxaa hadal qiimo badan ka jeediyey Guddoomiyaha Iskaashatada Dalagbila, Hal-abuure Daahir Xasan Maxamed, kaas oo bulshada uga warramay taariikhda iyo marxaladihii uu ka soo maray geeddi-socodka beerista bariiska ilaa guusha maanta la gaaray. Wuxuu si qoto dheer u sharraxay ahmiyadda maalgashiga beeraha, isagoo xusay faa’iidooyinka caafimaad, dhaqaale, shaqo abuur iyo ganacsi ee ku jira horumarinta wax-soo-saarka deegaanka.
Dhanka kale, munaasabadda ayaa waxaa kalmad dhiirrigelin iyo bogaadin ah ka jeediyey culumaa’udiinka, odayaasha dhaqanka iyo guddiga horumarinta degmada. Waxaana si gaar ah bulshada ugu hambalyeeyey Guddoomiyaha Degmada Baardheere, Mudane Ismaaciil Sh. Cabdi Qorax-koofi, oo tilmaamay in mashruucani yahay mid taariikhi ah oo u gogol xaaraya mustaqbal ifaya oo ku dhisan wax-soo-saar gudaha ah. Guddoomiyuhu wuxuu ku booriyey hay’adaha iyo cid kasta oo taageerta horumarinta beeraha in ay garab istaagaan iskaashatooyinka deegaanka, gaar ahaan Iskaashatada Dalagbila oo uu ku amaanay waxqabad muuqda iyo dadaal joogto ah.
Xafladda ayaa ku dhacday jawigii ugu quruxda badnaa, iyadoo ay goob-joogayaashu si kalgacal leh ugu qadeeyeen bariiskii ugu horreeyey ee si rasmi ah oga soo go’ay degmada Baardheere, taas oo calaamad u noqotay bilow cusub oo ku wajahan isku filnaansho dhanka cunnada iyo horumar waara.
Baardheere maanta waxay qaaday tallaabo muhiim ah oo u gogol xaaraysa in gobolka iyo guud ahaan Soomaaliya ay dib ugu laabtaan wax-soo-saarkii bariiska, taas oo horseedi karta isbeddel weyn oo dhinacyada nolosha bulshada ah.






